Dawlada Shiinaha Oo Lagactii Ugu Badnayd Abid ku Maalgaliyay Dalalka Tanzania iyo Ethiopia.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Shiinaha ayaa ku dhowaad $34.5 bilyan ku maalgalisay dalalka Bariga Afrika, iyadoo Tanzania iyo Ethiopia ay yihiin labada waddan ee ugu badan ee soo jiitay maalgashiga Shiinaha.

Sidoo kale Tanzania ayaa heshay qiyaastii $11.5 bilyan, halka Itoobiya ay heshay $10.5 bilyan oo maalgashi toos ah (FDI).

Dhanka kale, maalgashiga tooska ah ee Shiinaha ku leeyahay Nigeria ayaa lagu qiyaasaa inuu ka badan yahay $77 bilyan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka Afrika ee ugu weyn ee soo jiita maalgashiga Shiinaha. Inta badan maalgashiyadan waxay ku wajahan yihiin dhismaha, tamarta iyo warshadaha wax-soo-saarka, kuwaas oo door weyn ka qaata kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.