Saturday, August 8, 2026

Heshiis Rasmi ah Oo Dhex Maray Maamulka Puntland iyo Ciidanka Danab Ee Garoowe ku Sugan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kulan ay Dhexdhexaadiyayaal ka ahaayeen Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Garoowe ayaa lagu Soo Dhameeyey Xaalka Ciidanka Danab ee Gen Jimcaale.

Wada hadal adag oo lagaga Baxsanayay Colaad ka hilaaqda Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa Lagu Soo Gebagebeeyey Heshiis is afgarad ah oo Saddex qodob lagu Saleeyey.

1. In Ciidanka Danab ay si toos ah u Hoos Tagaan Maamulka Puntland.

2. In Xuquuqda Mushahar ee Ciidanka ay si lamid ah Ciidamadda Kale ee Puntland ay Bixiyaan Maamulka Puntland.

3. in Ciidanka Danab ay maraan Nidaamka Diiwaangelinta Casriga ah ee Ciidamadda Puntland.

Ciidanka Danab oo Markii Horeba Madaxweyne Denni La jaray Mushaharka ayaa Mushahar ka qaadanayay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Inkasta oo Sharci ahaan ay Waajib tahay In Ciidamadda DFS ay joogaan Dhamaan Maamuladda Soomaaliya , ayaa Hadana Khilaafka Shakhsiyadeed ee u Dhexeeya Madaxweyne Xassan Sh iyo Madaxweyne Denniga Puntland uu sababay in Puntland ka fogaato in Ciidan Ka tirsan Federaalka uu ku Signaado Puntland.