Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u taageerayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
El-Sisi ayaa sidoo kale caddeeyay in Masar ay si adag uga soo horjeeddo wax kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalkaan ayuu ka sheegay kulan uu El-Sisi magaalada Qaahira kula yeeshay Agaasimaha CIA-da Mareykanka, John Ratcliffe, kaas oo sidoo kale diiradda lagu saaray xaaladda Geeska Afrika iyo amniga badda.
Ratcliffe ayaa sheegay in Mareykanku muhiimad siinayo iskaashi iyo isku-duwidda joogtada ah ee Masar, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya, Geeska Afrika, la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
