3
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho kula kulmay wafdi saraakiil ciidan oo Masri ah oo uu wehliyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga. Fiqi ayaa bogaadiyey taageerada Masar ee madaxbannaanida Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka.




