Saturday, November 21, 2026

Taliyaha Uu Dhalay Madaxweyne Museveni Oo ku Faanay Saaxiibti-nimada Madaxda Imaaraadka

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, General Muhoozi Kainerugaba, oo uu dhalay Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa bartiisa X ku shaaciyay inuu saaxiib dhow la yahay madaxda Imaaraadka Carabta, isla markaana ciidanka Uganda ay garab taagan yihiin oo aan cidina xilka ka tuuri karin.

Hadalkan ayaa muujinaya in hoggaanka sare ee ciidanka Uganda uu si cad ula saftay Imaaraadka, iyadoo ciidamo ka tirsan Uganda ay weli ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Haddaba, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiyaa inuu go’aan adag qaato, ciidamada Uganda ee ku haray Soomaaliyana uu u qabto 72 saac inay dalka kaga baxaan.