Koox Hubaysan Oo Caawa Toogasho ka Geystay Magalada Saylac.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warar naga soo gaadhaya magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal ayaa sheegaya in koox hubaysan ay rasaas ku fureen wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu koobay Maxamed Bayle oo ka mid ah dhalinyarada magaaladaasi,waxaana la sheegay in rasaastu kaga dhacday Shafka.

Sidoo kale kooxdan ayaa rasaaseeyay goob ganacsi oo ka agdhawayd goobta uu falku ka dhacay.

Sikastaba ha noqotee arintan caawa ka dhacday magalada Saylac ayaa waxa la sheegay inay salka ku heyso dagaalka u dhexeeya beelaha Gadabuursi iyo Ciise, maadaama ay dhalinyarada falka geysatay ay kasoo jeedaan Beesha Ciise halka Wiilka la dhaawacay iyo meherada la rasaaseeyay ay kasoo jeedaan Beelaha Gadabuursi.