Tuesday, August 25, 2026

Madaxweyne Firdhiye Oo Qaahira ka Bilaabay kulamo Xasaasi ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Masar, howlaha Safaaradda iyo doorka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen ilaalinta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Waqooyi Bari waa maamul federaal ah oo xaruntiisu tahay Laascaanood, kana dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn. Maamulka ayaa ka dhashay dagaalladii 2023, xilligaas oo ciidamada Somaliland laga saaray inta badan magaalada Laascaanood iyo deegaanno ku dhow.

Deegaannadan ayaa weli ah aag istiraatiiji ah oo xasaasi ah, maadaama ay ka jiraan muran dhuleed iyo siyaasadeed oo u dhexeeya Somaliland, Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Firdhiye ayaa dhankiisa bogaadiyay Danjiraha iyo howlwadeennada Safaaradda, isagoo ku ammaanay dadaallada ay ugu jiraan hirgelinta siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.