Saturday, October 10, 2026

Trump iyo Putin, Oo Gaaray Heshiis Ruushka Uu Shidaalka ku Gayn karo Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump iyo Putin, ayaa gaaray heshiis u oggolaanaya Ruushka inuu shidaalkiisa geeyo suuqyada Mareykanka iyo caalamka, si hoos loogu dhigo qiimo kororka ku yimid shidaalka, sabab la xiriirta dagaalka Iiraan, sida ay baahiyeen Axios iyo Al Jazeera.

Heshiiskan wuxuu fursad u siinaya Ruushka inuu ku soo laabto suuqyada caalamka, taasoo dhalinaysa inuu helo balaayiin doolar oo dhaqaalihiisa uu ku kabo iyo dhaqaale dheeraad ah oo dagaalka Ukraine uu ku sii wadi karo, halka Trump uu iskudayayo heshiiskan inuu uga baxsado cadaadiska uu ka wajahayo qiimo kororka shidaalka gudaha Mareykanka iyo caalamka.

Laakiin, madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa billaabay tallaabooyin uu heshiiskan ku fashilinayo, isagoo amray weerarro lagu qaado xarumaha shidaalka Ruushka, isagoo ku xiraya joojinta weerarrada in Ruushka uu joojiyo weerarrada uu ku hayo xarumaha tamarta Ukraine, arrin la sheegay inay ka caraysiisay Trump, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Axios.