Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay go’aanka dhaqan-gelinta heshiiska deeqda lagu dhisayo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, kaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan $6 milyan.
Sida ku cad heshiiska, Soomaaliya waxay si rasmi ah u leedahay dhul cabbirkiisu yahay 4,918 mitir oo laba jibbaaran (m²) oo ku yaalla deegaanka Kızılcaşar, degmada Gölbaşı ee Ankara. Dowladda Türkiye ayaa halkaas ka dhisaysa xarun Safaaradeed oo baaxaddeedu gaareyso ugu badnaan 3,000 mitir oo laba jibbaaran.
Dhismaha iyo kharashkiisa waxaa gebi ahaanba maalgelinaysa dowladda Türkiye, waxaana marka la dhammeeyo lahaanshaha dhismaha lagu wareejin doonaa dowladda Soomaaliya.
Heshiiska iskaashiga labada dal ayaa la saxiixay 6-dii July 2022, iyadoo Baarlamaanka Türkiye uu horay u ansixiyay heshiiska deeqda lagu fulinayo mashruucan.

