Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Artan ayaa fursad u leh inuu garsooro kulamada horyaalka kubadda cagta Masar, kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu codsi rasmi ah u gudbiyay guddiga garsoorayaasha dalkaas.
Madaxa guddiga garsoorayaasha Masar, Cisaam Cabdifataax, ayaa sheegay inuusan wax diidmo ah ka qabin soo jeedinta ah in Artan uu garsooro kulamada horyaalka Masar, hase yeeshee ay weli sugayaan oggolaanshaha Xiriirka Kubadda Cagta Masar.
Cabdifataax oo arrintan kaga hadlay wareysi telefishin ayaa sheegay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu warqad rasmi ah u diray guddiga, isaga oo codsanaya in garsooraha Soomaaliyeed loo oggolaado inuu ka qayb qaato garsooridda kulamada horyaalka dalkaas.
“Wax diidmo ah kama qabo, balse waxaan sugaynaa oggolaanshaha Xiriirka Kubadda Cagta Masar. Haddii ay oggolaadaan, waxaan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo dhoweyn doonnaa horyaalka Masar,” ayuu yiri Cabdifataax.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in codsiga Artan uusan si gaar ah ula xiriirin kulanka weyn ee Axadda, 11-ka Oktoobar, dhexmaraya kooxaha Al Ahly iyo Zamalek, kaas oo ka dhici doona garoonka Qaahira, kana tirsan wareegga lixaad ee horyaalka Masar.
Dhanka kale, guddiga garsoorayaasha Masar ayaa kulankaas u magacaabay garsoore u dhashay Slovenia, Rade Obrenović, kaddib markii ay ku adkaatay inay garsoorayaal ka helaan dalal dhowr ah oo Yurub ah.
Haddii Xiriirka Kubadda Cagta Masar uu oggolaado codsiga, waxay tallaabadani fursad muhiim ah u noqon kartaa Cumar Artan, isaga oo garsooriddiisa ku soo bandhigi kara mid ka mid ah horyaallada kubadda cagta ee caanka ka ah qaaradda Afrika.
