Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in wakiillo ka socda Xuutiyiinta Yemen ay ka howlgalaan waqooyiga Soomaaliya iyaga oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, xiriirka labada dhinac wuxuu Al-Shabaab siin karaa fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo sare u qaadi karta awoodda kooxda ee weerarrada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM, oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in iskaashiga suuragalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kordhin karo awoodda kooxda Soomaalida ee ay khatar ugu abuuri karto ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka.
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed, oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.
Haddii Xuutiyiintu saldhig ama taageero saadka ah ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha labada dhinac ee marin-biyoodka istaraatiijiga ah.
Sidoo kale, arrintan ayaa sare u qaadi karta walaaca amni ee ku saabsan saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Camp Lemonnier, oo ku yaalla dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Bariga Afrika.
Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley, ayaa mar uu sanadkii hore ka hor hadlayay Congress-ka Mareykanka sheegay in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Jabuuti haddii ay go’aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.
Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli Pentagon-ka Mareykanka la sheegay inuu qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka rarayo Soomaaliya, si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika.
Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah loo wareejinayo Galbeedka Dunida, inkasta oo aan faahfaahin laga bixin tirada saxda ah ama waqtiga ay dib u dejintu dhaceyso.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare weyn tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinka ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin Al-Shabaab weli waxay u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah, maadaama aan la soo bandhigin faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa baaxadda xiriirkaas.
