Thursday, November 19, 2026

Maxkamadda Caalamiga ah Oo Dawlada Myanmar ku Xakuntay Xasuuqdii Dadka Muslimiinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa xukuntay in dawladda Myanmar ay xasuuq ka dhan ah bini’aadannimada u geysatay Muslimiinta Rohingya, intii ay socdeen hawlgalladii milatari ee sannadkii 2017-kii.

Xukunka taariikhiga ah ayaa Myanmar ka dhigaya dalkii ugu horreeyey ee maxkamaddu si rasmi ah ugu hesho masuuliyadda xasuuq, iyadoo lagu caddeeyey inay jabisay heshiiskii caalamiga ahaa ee ka hortaga xasuuqa ee 1948-kii.

Maxkamaddu waxay Myanmar ku amartay inay magdhow siiso dhibbanayaasha, isla-markaana xaqiijiso in qaxootiga Rohingya ay si nabadgelyo iyo karaamo leh ugu laabtaan deegaannadoodii.

Xukunkan ayaa ka dhashay dacwad ay dalka Gambia ka gudbiyey Myanmar sannadkii 2019-kii.