Sacuudiga Oo Caawa Duqeeyay Dekedda Xudeyda Ee dalka Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga ayaa caawa duqeeyay dekedda Xudeyda ee dalka Yemen, oo ay maamulaan Xuutiyiinta iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaal gudaha Xudeyda. Warar kale ayaa sidoo kale sheegay in markab Sacuudigu leeyahay lagu weeraray Badda Cas,sida ay werisay Al Jazeera.

Duqeymahan ayaa dhacay maalmo ka dib markii Xuutiyiintu ku dhawaaqeen inay go’doomin dhinaca badda ah saareen Sacuudiga, isla markaana ay weerareen dhowr markab oo Sacuudigu leeyahay.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inuu sii kordhinayo colaadda ka taagan Bariga Dhexe, xilli Mareykanku dagaal kula jiro Iiraan, halka Israa’iil ay weli sii waddo weerarrada ay ka gaysanayso Qasa iyo Lubnaan.

Telefishinka Al Masirah, oo ay leeyihiin Xuutiyiinta, ayaa sheegay: “Duqeyn uu Sacuudigu geystay ayaa lagu beegsaday gobolka Xudeyda