Sunday, November 8, 2026

Maraakiibta Dagaalka iyo Kuluumaysiga Turkiga Oo Maanta Gaaray Jabuuti Una Gudbaya Somaliya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maraakiibta dagaalka iyo kuluumaysiga Turkiga ayaa maanta soo gaaray Jabuuti kuwaas oo lagu wado in ay u soo gudbaan dhanka Muqdisho.

Soomaaliyo iyo Turkiga ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan fulinta heshiiska kalluumeysiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ee la xiriiraa iskaashiga labada dal ee dhinaca khayraadka badda, gaar ahaan sahminta, horumarinta iyo ka faa’iidaysiga kalluunka ku jira biyaha Soomaaliya.

Shirkada SOMTURK, ayaa loo xil saaray nidaaminta iyo horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya, bixinta iyo maamulka habraacyada ruqsadaha maraakiibta shisheeye, kormeerka kalluumeysiga, ilaalinta khayraadka badda iyo kobcinta maalgashiga kalluumeysiga.

Shirkada ayaa ka masuul ah dhoofinta kaluunka waxaana la rajaynaa in ay sanadkii soo saarto in hal bilyan oo dollar. Shirkada ayaa ka masuul ah dhoofinta, warshadaynta iyo ilaalinta guud ahaan kaluunka Soomaaliya.