Thursday, September 10, 2026

Maraykanka Oo Ugu Denbeyntii Qirtay Khasaaraha Weerarkii Iran kasoo Gaaray Diyaaradaha Iyo Agabka kale Ee Saldhiga Jordan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta qirtay 8 diyaaradood oo F-15 iyo diyaarad wax basaasta oo ah A-10 Thunderbolt inay burbur iyo waxyeelo adeegga ka saaray ka soo gaareen weerarkii habeen hore Iiraan ku qaaday saldhigga uu Mareykanku adeegsado ee ku yaal dalka Jordan.

Warbixintan ayaa lagu sheegay qiimaha isku darka diyaaradaha ay waxyeeladu gaartay inay ka badan tahay hal bilyan oo doolar, sida ay baahisay warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Fox News oo xiganaysa saraakiil Mareykan ah.

Warbixintan ayaa sidoo kale waji gabax ku noqonaysa dawladda Jordan oo habeenkii weerarku dhacay sheegtay inay ka hortagtay 18 ka mid ah 20 gantaal oo Iiraan habeenkaa ku weerartay saldhigyada Mareykanka ee dalkaa ku yaal, halka ay Jordan sheegtay labada gantaal ee kale inay ku dhaceen meel bannaan, balse warbaahinta uusan indhaha ka qaadin Trump oo dhiniciisa u janjeerta ee Fox news ayaa hadda bannaanka soo dhigtay khasaaraha Mareykanka ka gaaray weerarka iyo sida ay Iiraan u awooday gantaaladeeda inay gaarsiiso goobaha ay yaalaan diyaaradaha , taasoo ka dhigan inay ka gudbisay nidaamyadii difaaca.