Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA waxa uu si adag u canbaaraynayaa xadhigga loo geystay weriye Cumar Hayne oo ahaa wakiilka Horyaal Tv ee magaalada Boorama,kaas oo 18-kii May xabsiga loo taxaabay kadibna loo soo dhaadhiciyey xabsiga magaalada Gabilay.
Ururka SOLJA waxa xadhigga Suxufigan u arkaa mid ka hor imanaya xorriyadda saxaafadda iyo xaqa dastuuriga ah ee suxufiyiintu u leeyihiin gudashada waajibaadkooda shaqo. Ururku waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah xorriyaddiisa ugu soo celiyaan weriyaha.
Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa masuuliyiinta Gobolka Awdal inay ixtiraamaan madax-bannaanida warbaahinta iyo badqabka weriyeyaasha gudanaya shaqadooda bulshada.
