Kooxda maraakiibta Faransiiska ee CMA CGM ayaa saaka ku dhawaaqday in mid ka mid ah maraakiibteeda, San Antonio, la bartilmaameedsaday xilli ay marayeen marin biyoodka Hormuz Talaadadii, 5-tii Maajo, taasoo keentay burbur soo gaaray markabka marka laga soo tago dhaawaca qaar ka mid ah shaqaalaha.
Shirkaddu waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in shaqaalihii ku dhaawacmay weerarka laga wareejiyay markabka isla markaana la siiyay daryeel caafimaad.
Si kastaba ha ahaatee, shirkaddu ma aysan cayimin cidda mas’uulka ka ahayd weerarkii San Antonio, laakiin Iiraan ayaa hore u shaacisay inay beegsan doonto maraakiibta iyada oo aan ogolaansho ka haysan Ilaalada Kacaanka ee ku sugan Gacanka Hormuz.
