Trump Oo Saacad wax ka yar Ku Daabacay 11 War-qoraalo kala Duwan Kadib Furitaanka Marinka Hormuz.

by Heemaaln
2 minutes read

Kadib Furitaanka Marinka Hormuz. Donald Trump ayaa wax ka yar saacad si isdaba joog ah u daabacay fariimo kala duwan, kuwaas xambaarsanaa farxad mahadcelin iyo faan.

Fariinta 1aad: Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay ku dhawaaqday in marinka Hormuz uu si buuxda u furan yahay islamarkaana uu diyaar u yahay in maraakiibta si caadi ah u maraan.

Fariinta 2aad: Wuxuu caddeeyey in marinka Hormuz uu “completely open for business,” balse xannibaad dhinaca badda ah oo la xiriirta Iiraan ay weli jiri karto ilaa heshiis dhamaystiran la gaaro.

Fariinta 3aad: Trump wuxuu tilmaamay in Maraykanku heli doono dhammaan waxyeelladii ka dhalatay hawlgalladii militari, isagoo ku sheegay “nuclear dust” oo uu ku macneeyey faa’iido istaraatiiji ah.

Fariinta 4aad: Trump ayaa sheegay in Iran ay ka saari doonto miinooyinka ku jira marinka Hormuz iyadoo ay caawinayaan Maraykanka.

Fariinta 5aad: Trump ayaa sidoo kale sheegay Israa’iil mar dambe ma duqeyn doonto Lubnaan.Aniga ayaa arrintaas mamnuucay.”

Fariinta 6aad: Trump Wuxuu sheegay in aan wax lacag ah la is dhaafsan doonin heshiisyada qaar, taas oo muujinaysa in uu doonayo heshiisyo siyaasadeed oo aan dhaqaale ku xirnayn.

Fariinta 7aad: Trump wuxuu sheegay in Maraykanku si gaar ah ula shaqeyn doono dalal kale sida Lubnaan, taas oo muujinaysa istiraatiijiyad diblomaasiyadeed oo kala gooni ah.

Fariinta 8aad: Wuxuu sheegay in dalalka NATO ay la soo xiriireen kadib furitaanka Hormuz, iyagoo weydiinaya in ay caawimaad bixiyaan.

Fariinta 9aad: Trump ayaa si toos ah ugu jawaabay NATO isagoo yiri “iga fogaada wax ma tarayaal ayaad tihiine,” taas oo muujinaysa dhaliil iyo kalsooni uu ku qabo awoodda Maraykanka.

Fariinta 10aad: Wuxuu u mahadceliyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya iyo kuwo kale oo uu sheegay inay kaalin ka qaateen xasilinta xaaladda.

Fariinta 11aad: Trump wuxuu ku soo gabagabeeyey fariimihiisa isagoo sheegay in heshiiska la gaaray uu yahay mid “great and brilliant,” taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo Maraykan gaadhay.

Fariimahan isdaba jooga ah ayaa muujinaya sida Trump uga faa’iideysanayo dhacdadan si uu u muujiyo hoggaamin iyo saameyn siyaasadeed, iyadoo arrintan si weyn looga falceliyey gudaha iyo dibadda Maraykanka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.