Thursday, September 10, 2026

Taliyihii Ciidanka Iska-caabbinta Yemen Ee Imaaraadku Taageerayay Oo Baxsad ku Galay Eritrea,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Jen. Tareq Saleh oo hoggaaminayay ciidanka Iska-caabbinta Yemen oo sidoo kale ahaa guddoomiye ku-xigeenka golaha hoggaamiye dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen, ayaa lagu warramaya inuu ka baxsaday Yemen , doona ku galay dalka Eritrea, ka dib markii Xuutiyiinta ay la wareegeen magaalada uu ku sugnaa ee Mukha (Mocha) oo ah magaalo istaraatiji ah oo ku taal galbeedka Yemen , kuna dhow Baab al-Mandab.

Baxsashada Jen. Tareq Saleh, ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay telefishinka Ruushka ee RT oo sheegay ninkan oo hoggaaminayay ku dhawaad toban kun oo askari oo markii hore taageerro ka heli jiray Imaaraadka Carabta in lagu jebiyay keliya dagaal socday wax ka yar 24 saac.

Sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inuu Jen. Tareq Saleh oo ah wiil uu adeer u ahaa madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saleh uu ku amray ciidamada uu watay inay ka hor leexdaan Xuutiyiinta oo ay u guuraan goobo ammaan ah oo ka baxsan meelaha ay ku wajahanyihiin Xuutiyiinta ee xeebaha Badda Cas iyo Baab al-Mandab, balse ma jirto ilo kale oo si rasmi ah usoo bandhigay inuu u baxsaday dalka Eritrea.