Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga inay kulan ku yeeshay Riyaad,waxayna ka wada-hadleen jawaabta laga bixinayo weerarrada Xuutiyiinta, iyadoo laga duulayo heshiiska difaaca ee saddexda dal.
Warbixintu waxaa kaloo ay sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay, Pakistan ay Iiraan gaarsiisay farriin ka timid Sacuudiga, oo looga dalbanayo Iiraan inay adeegsato saamaynteeda si ay u xakameyso Xuutiyiinta una joojiso weerarrada ay ku hayaan Sacuudiga, ka hor inta aysan xiisaddu isu beddelin dagaal goboleed ballaaran.
Iiraan ayaa la sheegay inay ku jawaabtay inaysan gacanta ku hayn Xuutiyiinta, inkastoo warar kale ay sheegayaan in Iiraan ay doonayso inay cadaadis saarto Sacuudiga iyadoo adeegsanaysa Xuutiyiinta.
Xaaladdan ayaa suuragal ka dhigi karta in Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay dhistaan iskaashi amni oo mideysan, kaas oo si gaar ah uga jawaaba khatarta Xuutiyiinta.
