Trump Oo ku Hanjabay inuu Bur-burin doono Dalka Cumaan Oo ka mid ah Dallaka Khaliijka ee saaxibka dhaw la ah.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu “burburin doono dalka Cumaan oo ka mid ah dallaka Khaliijka ee saaxibka dhaw la ah Maraykanka intii lagu jiray kulan golihiisa wasiirrada ah oo ka dhacay Aqalka Cad, waxuuna yiri: “Cumaan waa inay u dhaqantaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan burburinnaa.”

Trump wuxuu hadalkan sheegay isagoo ka jawaabaya warar sheegaya in Cuman iyo Iran ay ka wada hadlayaan qorshe lagu soo rogo lacag laga qaado maraakiibta dhex marta marin-biyoodka Hormuz.

Warbaahinta Bloomberg ayaa markii ugu horreysay 21-kii May werisay in Iran ay wadahadallo kula jirto Cuman taasi oo ku saabsan lacag laga qaado maraakiibta marta marinka Hormuz.

Wargeyska The New York Times ayaa markii dambe sheegay, isagoo soo xiganaya laba ilo oo xog-ogaal u ah, in dooddu aysan ku saabsanayn canshuur toos ah oo lagu soo rogo maraakiibta maraysa Hormuz, balse ay ahayd lacag lagu qaadayo adeegyada loo fidinayo maraakiibta.

Hanjabaadda Trump ee ah inuu “burburinayo” Cuman ayaa ka yaabisay dad badan oo arrimaha siyaasadda la socda, maadaama Cuman muddo dheer loo arkayay mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Maraykanka ku leeyahay dalalka Khaliijka Carabta.

Labada dal waxay leeyihiin heshiisyo iskaashi difaac oo soo jiray tobannaan sano, kuwaas oo u oggolaanaya militariga Mareykanka inuu isticmaalo dekedaha iyo saldhigyada cirka ee Cuman. Goobahan waxaa loo arkaa kuwo aad muhiim ugu ah howlaha militariga Mareykanka ee gobolka Khaliijka iyo Badweynta Hindiya.

Cuman sidoo kale waxay heshiis ganacsi xor ah la leedahay Mareykanka. Xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal ayaa muddo dheer jiray, inkastoo Cuman aysan ka mid ahayn heshiisyada Abrahamee uu hormuudka ka ahaa Madaxweyne Donald Trump.

Cumaan ayaa muddo dheer door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta Maraykanka iyo Iran waxayna sidoo kale qayb ka ahayd wada xaajoodyadii qarsoodiga ahaa ee ka horreeyay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.