Xisbiga Barwaaqada ee Itoobiya Oo Astaanta Xisbiga u Doortay Xirmo Sarreen ah

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Xisbiga Barwaaqada ee Itoobiya ayaa astaanta xisbiga u doortay xirmo sarreen ah, taas oo ay ku tilmaameen astaan muujinaysa midnimada qowmiyadaha iyo isku filnaanshaha cuntada.

Duqa Addis Ababa ayaa sheegtay: “Annaga ayaa soo saarna sarreenkeena, waxaana gaarnay isku filnaansho,” iyadoo intaas ku dartay in Itoobiya ay ka gudbeyso sumcaddii macaluusha oo waxa ay noqonaysa “dal tusaale u ah caalamka.”

Itoobiya ayaa doorasho loo badinayo in uu ku soo baxayo Abiy Ahmed aadaysa 1 June 2026 taas oo ay naga xigaan maalmo aad u kooban.