Dawlada Turkiga Oo Sheegtay in 13 kun oo Qof ku Dhaawacmeen Gowraca Xoolaha Ciidul-Adxaa.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka caafimaadka Turkey Kemal Memişoğlu ayaa sheegay in in ka badan 13 kun oo qof ay dhaawacyo kasoo gaadheen intii lagu guda jiray gowraca xoolaha Ciidul-Adxaa.

Wasiirka ayaa sheegay in 13,513 qof ay tageen Goobaha caafimaadka maalmaha ugu horreeya Ciidda kadib dhaawacyo ay la kulmeen xilliga qalitaanka xoolaha.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan isla markaana ay adeegsigaan dad khibrad u leh gowraca xoolaha si looga fogaado shilalka iyo dhaawacyada.