Taliyaha Hawlgallada Wadajirka ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Talyaaniga, Lieutenant General Giovanni Maria Iannucci, ayaa maanta Muqdisho yimid, waxaana uu kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada difaaca, amniga, tababarka iyo tayaynta ciidamada Soomaaliyeed.
Iannucci ayaa sidoo kale ah sarkaal hore u soo noqday Taliyaha NATO Mission Iraq, xilkaas oo uu hayay May 2022 ilaa May 2023. NATO waxay sheegtay in xilligiisa uu taliska hoggaaminayay howlgalkii NATO ee Iraq ee diiradda saarayay la-tashiga iyo dhismaha awoodda ciidamada iyo hay’adaha amniga Ciraaq.
Booqashadiisa Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga milatari ee ay la leedahay dalalka Yurub iyo saaxiibada caalamiga ah
