Ciidanka ilaalada Aqalka cad ee Mareykanka Oo Toogasho ku Dilay Nin Hubeysan

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Saraakiil ka tirsan Hay’adda ilaalada Aqalka cad ee Mareykanka ayaa toogasho ku dilay qof hubeysan oo Sabtidii fiidkii rasaas ka furay meel u dhow Aqalka Cad ee Washington, sida ay xaqiijisay hay’addu.

Dhacdadan ayaa bilaabatay wax yar ka hor 6:00 fiidnimo waqtiga bariga Mareykanka, markii qofkaasi uu kusoo dhowaaday goob amni oo ku taalla bannaanka xarunta Aqalka Cad, kadibna uu rasaas ku furay saraakiisha ilaalada.

Nin 21 jir ah oo lagu magacaabo Nasire Best ayaa la xaqiijiyay inuu yahay qofkii Sabtidii lagu toogtay meel u dhow Aqalka Cad, kadib markii uu rasaas ku furay saraakiisha ilaalada madaxtooyada Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Best horey loogu yaqaanay hay’adaha ammaanka, islamarkaana uu lahaa taariikh la xiriirta xaalado caafimaad dhimir iyo isku dayo uu ku doonayay inuu gudaha u galo Aqalka Cad.

Diiwaanno maxkamadeed ayaa muujinaya in mar hore si khasab ah loogu qaaday isbitaal dhimirka ah, halka mar kale boolisku xireen isaga oo sheeganayay inuu yahay Ciise Masiix.

Baraha bulshada ee lala xiriiriyay Best ayaa sidoo kale lagu arkay qoraallo hanjabaad u muuqday oo ka dhan ah Madaxweyne Donald Trump, iyo fariimo uu ku sheegay imuu yahay wiilka Ilaah.

ilaalada Aqalka Cad ayaa sheegtay in ninkan uu qoriga kala baxay boorso uu watay wax yar ka hor 6:00 fiidnimo, kadibna uu rasaas ka furay goob kantarool amni oo ku dhow Aqalka Cad. Saraakiisha ayaa rasaas celiyay, waxaana goobta ku dhaawacmay qof rayid ah.

Madaxweyne Trump oo xilligaasi ku sugnaa Aqalka Cad ayaan waxyeello kasoo gaarin dhacdada, wuxuuna amaanay tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamada ammaanka.

Dhacdadan ayaa timid bil un kadib markii nin hubeysan uu rasaas ka furay munaasabad ka dhacaysay Aqalka Cad, iyadoo baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan.

Saraakiisha ilaalada Aqalka Cad ayaa isla markiiba rasaas ku jawaabay, waxayna dhaawaceen tuhmanaha oo markii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaalla deegaanka.

Afhayeen u hadlay ilaalada Aqalka Cad ayaa sheegay in qof goobta marayay sidoo kale uu ku dhaawacmay rasaasta, balse aan weli la xaqiijin in uu ku dhacay rasaastii uu furay weeraryahanka ama middii jawaabta ahayd ee ciidamada.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in wax dhaawac ah aysan soo gaarin ciidamada ilaalada Aqalka Cad, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xilligaasi ku sugnaa gudaha Aqalka Cad islamarkaana uusan waxyeello kasoo gaarin dhacdada.

Sarkaal ka tirsan maamulka ayaa sheegay in Trump loo gudbiyay warbixin ku saabsan weerarka, halka qofkii rayidka ahaa ee dhaawacmay lagu sheegay inuu ku jiro xaalad halis ah.

Booliska iyo hay’adaha ammaanka ayaa wada baaritaan ku saabsan sababta weerarka iyo aqoonsiga qofka hubeysnaa