Ciidanka Badda ee Iran Oo Sheegay in 25 Markab si Nabad ah Uga Gudbeen Hormuz 24-kii saac ee lasoo dhaafay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in 25 markab ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay si nabad ah uga gudbeen marin-biyoodka Hormuz, iyagoo la shaqeynayay maamulka Iran.

War ay baahisay telefishinka dowladda Iran ee IRIB ayaa lagu sheegay in maraakiibtaasi ay isugu jireen kuwa shidaalka qaada, kuwa konteenarada iyo maraakiib kale oo ganacsi.

IRGC Navy ayaa sheegtay in maraakiibta loo oggolaaday inay maraan marin-biyoodka istaraatiijiga ah kadib markii ay heleen fasax iyo isku-duwid amni oo ay bixiyeen ciidamada badda Iran.

Marinka Hormuz ayaa kamid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan caalamka, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida loo dhoofiyo.