Ururka Dowlaha Islaamka Oo si Adag uga Horyimid Safaaradda Somaliland ka furatay Mag.Quddus

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ururka Dowlaha Islaamka ayaa si adag uga horyimid safaaradda Somaliland ka furatay magaalada Quddus ee la haysto, iyaga oo ku tilmaamay; tallaabo aan haysan sharci oo aan waxba ka jirin.

Ururka Iskaashiga Islaamku wuxuu sheegay in talaabadaasi ay tahay “sharci daro iyo waxba kama jiraan.” Sidoo kalena ay xadgudub cad ku tahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Ururka OIC ayaa xaqiijiyay iney si buuxda u garab taagan yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya isla markaana aysan aqbalayn in lagu xadgudubo madax banaanida dhuleed ee Dalka Soomaaliya.