Wednesday, July 29, 2026

Waa Maxay Heshiiska ay kala Saxiixdeen Wasiirada Macdanta iyo Arimaha Gudaha Somaliland.?

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdalle Maxamed Carab iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarka JSL Mudane, Eng. Axmed Jamac Bare, ayaa Maanta Xafiiska wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ku kala Saxeexday Heshiiska Ciidanka ilaalinta khayraadka Dabiiciga.

Ciidanka Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah, ee maanta la kala saxeexday samayntooda, ayaa noqonayaa Ciidan ilaaliya Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka, kuwaas oo ka tirsan ciidanka Booliska JSL, maadama Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay khayraad badan oo dabiici ah, kuwaas oo u baahan Ilaalin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, iyo wasiirka Macdanta iyo Tamarta ayaa sheegay in samaynta ciidanka Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah uu baahi wayn u qabay dalku, si loola socdo khayraadka dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay dalka.

Munaasibadan maanta ay ku kala saxeexdeen heshiiska labada wasaaradood, waxa goob joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) iyo taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdilaahi-Dheere)