Xuutiyiinta Yemen ayaa qorsheynaya inay lacag ka qaadaan markab kasta oo doonaya inuu ka gudbo marin-biyoodka Baabul Mandab, ka dib wadahadallo ay yeesheen hoggaanka sare ee Xuutiga oo daraasad ku sameynaya hababka loo hirgelin karo lacagtaas.
Arintan ayaa muujinaysa in ujeeddadoodu tahay in ay doonayaan si buuxda inay u xakameeyaan isku socodka Badda Cas, sida ay baahisay majaladda caanka ah ee Ingiriiska ee Lloyd’s List, oo ku takhasustay la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo falanqaynta ganacsiga caalamiga ah ee badda.
