Taliska Ciidamada Booliska Oo Dalbaday In Laga Caawiyo soo Qabashada Nin Dil Gaystay Maanta

1 minutes read
A+A-
Reset

Taliska Ciidamada Booliska Somaliland waxay bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan soo qabashada eedaysane Cawil Xuseen garo-baaldi oo ku eedaysan in uu oo dil u geystay hal Marxuum halka mid kalana dhaawacay .

Falkan ayaa ka dhacay maanta deegaanka Mitirka ee Qoolcaday iyo Toon dhexdooda.

Ciidamada Boolisku waxay si sharaf leh uga codsanayaan dhammaan shacabka in ay Ciidanka kala shaqeeyaan soo qabashada eedaysanaha, isla markaana cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay ay si degdeg ah ula xidhiidho Ciidamada Booliska. Soo wac. 520175 Ama 999 iyo Saldhig boolis halka ugu dhaw.

Sidoo kale Baraha bulshada ee Ciidanka nagula soo wadaaga.

Mahadsanidiin.

Sawirka eedaysanuhu waakan