Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu rajeynayo in la soo afjaro colaada Iiraan sida ugu macquulsan uguna deg degaba badan laakiin wuxuu ka digay in haddii taasi dhici weydo, dhammaan dhinacyadu ay la kulmi doonaan khasaaro.
Hadalkan ayaa la xiriira dadaallo socda oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha gobolka, iyadoo Ruushku marar badan sheegay inay taageersan tahay xal diblomaasiyadeed iyo in laga fogaado sii xumaanshaha colaadaha Bariga Dhexe.
“Tani waa colaad aad u cakiran, waxayna na gelinaysaa xaalad adag, waayo waxaan xiriir saaxiibtinimo la leeyahay Iiraan iyo waddamada Khaliijka Carabta,” ayuu Mr. Putin u sheegay weriyayaasha.
Isagoo tixraacaya xiriirka joogtada ah ee kala dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, wuxuu raaciyay: “Aragtidayda, labada dhinac midna dan uguma jirto sii socoshada colaaddan
