Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos oo ay weheliyaan Girma Birru oo ah la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Itoobiy iyo Ridwan Xuseen oo ah madaxa hay’adda sirdoonka iyo amniga Itoobiya (NISS) ayaa booqasho deg deg ah ku tagay Mareykanka , halkaa oo wadahadallo la xiriira iskaashi amni ay kula yeesheen saraakiisha Mareykanka.
Inta ay booqashadan socotay , wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya , Gedion Timothewos wuxuu la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, sid ay maanta baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, iyadoo waaxda arrimaha dibadda Mareykanka warsaxaafadeed ay baahisay dhankeeda lagu sheegay inay ka wada-hadleen iskaashiga amni ee u dhexeeya Mareykanka iyo Itoobiya, iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo fursadaha ganacsi ee labada dal.
Booqashadan waxay ku soo aadday markii ay toddobaadkan soo baxday Mareykanka inuu cunaqabateynta ka qaadayo Eritrea oo dib u hagaajinayo xiriirka uu la leeyahay , sabab la xiriirta baahida uu Mareykanka u qabo ballaarinta joogitaankiisa Badda Cas , taasoo loo qaatay digniin ka dhan ah Itoobiya oo muddooyinkii u dambeeyay soo saaraysay hanjabaad ka dhan ah Eritrea oo ay ku sheegayso inayg gaarayso Badda Cas.
