Qaabka Qoomiyadaha loogu Qaybiyay Kuraasida Barlamanka Fadaraalka Itoobiya ee Beri la Dooranayo.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Itoobiya ayaa maalinta berri ah qabanaysa doorasho qof iyo cod ah oo lagu dooranayo xubnaha Baarlamaanka Federaalka, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu waaweynaa ee dalkaas ka dhaca sannadihii ugu dambeeyay. In ka badan 50 milyan oo muwaadiniin ah ayaa la filayaa inay codadkooda dhiibtaan, iyadoo doorashadan ay indhaha ku hayaan shacabka Itoobiya, dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Barlamanka Federalka waxaa kuraasta loo kala hellaa siddan hoose;

Tigreega: 38

Axmaarada:138

Harerida: 2

Somalida: 23

Canfarta: 8

Oromia: 178

Binishagul: 9

Gambela: 3

Konfur galbeed: 20

Konfurta Ethiopia: 49

Adis Ababa: 23

Sidaama: 19

Badhtamaha Ethiopia: 35

Diri-dhaba: 2

Fiiro- gaar ah: Itoobiya waxaa ka ka jira hannaan Barlamani ah, xildhibaanada unbaa la doorta.

Doorashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay weli la tacaalayso caqabado amni, khilaafaad siyaasadeed iyo xiisado qowmiyadeed oo saameyn ku yeeshay qaybo badan oo dalka ah. Sababtaas awgeed, ma suurtagelin in codbixintu ka dhacdo dhammaan deegaanadii loogu talagalay.

Siddeed u arragtaa saamiga Soomalida?