Wasiirka shidaalka Iran Oo ka Hadlay Dibu-dhiska Xarumaha Shidaalka Iyo Digniin ay soo Saareen Ciidamada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka shidaalka ee Iran, Mohsen Paknejad, ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarumaha shidaalka ee waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka ay tahay in laga dhigo mudnaan degdeg ah oo qaran.

Paknejad ayaa intaas ku daray in wax-soo-saarka shidaalka ceeriin uusan hoos u dhicin muddadii dagaalku socday, isla markaana dhoofinta shidaalka ay ahayd mid wanaagsan oo lagu qanco.

Wuxuu xusay in dadaallada dib-u-dhiska ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan xasilinta iyo sii wadidda awoodda tamareed ee dalka.

Dhinaca kale Ciidanka badda ee IRGC ayaa soo saaray bayaan ay uga digayaan maraakiibta doonaya inay maraan marinka Hormuz inaysan adeegsan waddooyin aan ayagu oggoleyn, iyagoo sheegay in tallaabo adag oo go’aan leh laga qaadi doono cid kasta oo ka baxda tilmaamahooda.

Bayaan lagu baahiyay Fars News Agency ayaa lagu sheegay in waddada keliya ee ammaan ah ee maraakiibtu mari karaan ay tahay marinka horey ay u shaacisay Iran.

“Waxaan uga digeynaa dhammaan maraakiibta doonaya inay ka gudbaan marinka in leexashada waddooyin kale ay tahay mid aan ammaan ahayn, isla markaana ay la kulmi doonaan jawaab go’aan leh oo ka timaadda ciidanka badda ee IRGC,” ayaa lagu yiri bayaanka.