Suudiga Oo Cambaareeyey Weerarka lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Khartoum

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Suudiga ayaa Cambaareeyey weerarka lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Khartoum, waxayna ku baaqday in, dalalka deriska ah ay ixtiraamaan madaxbannaanida Sudan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Saudi Arabia ayaa si adag u cambaaraysay bartilmaameedsiga goob ku taalla garoonka diyaaradaha ee Khartoum, iyada oo ka digtay sii socoshada weerarrada lagu hayo kaabayaasha rayidka.

Bayaan la soo saaray, Wasaaraddu waxay sheegtay in Boqortooyadu ay muujinayso cambaareyn adag iyo diidmo buuxda oo ku saabsan bartilmaameedsiga goob ka mid ah Garoonka Khartoum.

Saudi Arabia waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka deriska ah ee Sudan in ay ixtiraamaan madaxbannaanidiisa iyo xornimadiisa, isla markaana ay ka hortagaan in dhulkooda loo adeegsado saldhig laga qaado weerarradan.\