Israa’iil ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Hantavirus oo ah fayras ay inta badan gudbiyaan jiirka iyo xayawaanno yaryar, sida uu baahiyay wargeyska Jerusalem Post, iyadoo qofka uu fayruskan ku dhacay la sheegay inuu ka soo qaaday Yurub oo uu booqasho ku tagay.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO , Tedros Ghebreyesus ayaa sheegay in todobaadyada soo socda laga yaabo in kiisas badan la soo sheego.
Baadhitaan ayaa socda. WHO ayaa sidoo kale sheegtay in lammaanihii ugu horreeyay ee cudurka qaaday ay booqdeen meelo “ay joogeen noocyada jiirka ee sida caadiga ah u sida fayraska”. Baadhitaanka faafitaanka cudurkan “wali waa socdaan”.

Screenshot
