Askari Israel ah oo lagu Haysto in uu Sawir si Anshax darro Ugu Galay Taallo Muhiim ka ah Lubnaan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay inay baadhayaan sawir lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya askari sigaar cabbaya isla markaana sigaar kale afka u gelinaya taallo caan ah oo Lubnaan ku taalla. Taalladan ayaa lagacaabaa Mary, ama Maryam, hooyadii Nebi Ciise.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lebanon, halkaas oo bishii hore askari Israa’iili ah lagu sawiray isagoo dubbe weyn wejiga kaga garaacaya taallo kale.

Israel Defense Forces (IDF) ayaa sheegtay in sawirka ugu dambeeyay la qaaday dhowr toddobaad ka hor, waxayna ku tilmaantay dhacdada “mid gebi ahaanba ka hor imaanaysa qiyamka laga filayo askarteeda.”

Kiiskii dubbaha weyn, askariga falka sameeyay iyo askari kale oo sawiray dhacdada ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah, kadib cambaareyn caalami ah oo ka dhalatay falkaas.