Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay wadaxaajoodka ay kula jiraan Iiraan uu yahay ‘’mid aan weli miro dhalin’’ sidoo kalana ‘’aysan ku faraxsanayn weli, laakiin ay ku farxi doonaan.
Trump ayaa intaa ku daray ‘’In labadaas midkeed waddadaas ay noqon doonto ama ay qaadi doonaan talaabo dhammaystir ah’’
Isaga oo u duurxulaya hoggaamiyayaasha Iiraan waxa uu yiri ‘’Wadaxaajoodka waxa ay uga jiraan boos liita, laakiin waynu arki doonaa wixii dhici doona. Laga yaabee in aan dagaalka ku laabano oo shaqada dhammaystirno ama laga yaabee in aysan sidaas noqon’’.
Waxa uu mar kale ku celiyay inuu rumaysan yahay in hoggaamiyayaasha jamhuuriyadda Iiraan ay ‘’Si aad ah u doonayaan inay heshiis gaaraan’’’
