Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaalmarin dhan ilaa 15 milyan oo dollar oo la siinayo cid kasta oo bixisa xog ku saabsan shixnadaha shidaalka ee lala xiriirinayo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) iyo shabakadaha ka qeyb qaata dhoofintaasi.
War-saxaafadeed ay Talaadadii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, gaar ahaan barnaamijka Rewards for Justice, ayaa lagu sheegay in lacagtaasi la siin doono dadka bixiya macluumaad ku saabsan maraakiibta, shirkadaha ama shaqsiyaadka ku lug leh waxa Washington ku tilmaamtay dhoofin sharci darro ah oo shidaal.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay IRGC inay dhaqaale kasoo hesho iibinta shidaalka si ay u maalgeliso howlaha militari iyo saameynta ay ku leedahay gobolka, xilli xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay weli sareyso.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale dadka ugu baaqay inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada maraakiibta ama shirkadaha lagu tuhunsan yahay inay gacan ka geysanayaan dhoofinta shidaalka Iran.
