Lubnaan Oo Sheegtay in 19 Qof lagu Dilay 17 kale-na lagu Dhaawacay Weerarro Israa’iil ka Fulisay koonfurta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 19 qof lagu dilay, 17 kalena lagu dhaawacay weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan maalintii Talaadada.

Sida ay wasaaraddu sheegtay, 10 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa lagu dilay deegaanka Deir Qanoun en-Nahr ee degmada Tyre. Afar kale ayaa lagu dilay magaalada Nabatieh, halka shan qof ay ku dhinteen deegaanka Kfar Sir.

Dhanka kale, 10 qof ayaa ku dhaawacmay deegaanka Hannaouiyeh, iyadoo toddobo kale ay ku dhaawacmeen Maarakeh.

Weerarradan ayaa imanaya iyadoo xiisadda xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan ay sii kordhayso, isla markaana duqeymo iyo iska horimaadyo ay weli ka socdaan koonfurta dalkaa