Iiraan ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay dib u xirtay marin-biyoodka Hormuz oo ay sheegtay inuu ku laabtay xakameynta adag ee ciidanka Iiraan, sabab la xiriirta inuu Mareykanka ku kacayo wax ay ugu yeertay falal burcad badeednimo oo uu isku dayayo inuu ka hortaggo maraakiibta ku socota Iiraan iyo kuwa dekedaha Iiraan ka baxaya,
iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu marinka Hormuz xirnaan doono illaa Mareykanka uu ka laabanayo go’doominta uu ku hayo dekedaha Iiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ay Al Jazeera baahisay.
Telefishinka Al Jazeera ayaa baahiyay inay ciidanka Iiraan la xiriireen maraakiibta ku dhow marinka Hormuz , waxayna ku wargeliyeen marinka inuu si rasmi ah u xiranyahay isla markaana laga mamnuucay markab kasta inuu maro, iyadoo la adeegsanayo farriimo raadiye oo ka imanaya ciidanka badda ee Iiraan.
Sidoo kale Reuters ayaa ku warrantay labo markab oo isku dayay inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz inay waxyar ka hor la kulmeen weerar ku qasbay inay dib uga laabtaan , taa oo dhalisay inay maraakiibtu joojiyaan socodkooda, saacado ka dib markii Iiraan ku dhawaaqday in dib loo xiray Hormuz.

Screenshot

