Sheekh Shariif: “Dagaal ma Wadno, Laakiin Xaaladda Muqdisho waxay Muujinaysaa in Nidaamku sii daciifayo”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mucaaradku aanu diyaar u ahayn wax dagaal ah, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo hubaysani, balse uu ka digay in xaaladda amni ee Muqdisho ay muujinayso “nidaam sii burburaya”.

Isagoo ka hadlayay dood lagu qabtay baraha bulshada, gaar ahaan madal Space-ka ee X (Twitter), ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyada amni ee xalay dhacay ay muujinayaan in si weyn loo adkeeyay magaalada, isagoo tilmaamay in waddooyin la xiray, ciidamo la dhigay, isla markaana la xanibay isu socodka siyaasiyiinta iyo xildhibaannada.

“Dagaal ma wadno, qoryo ma wadanno. Waxaan wadnaa kaliya ilaaladeeni,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo ku adkeystay in mucaaradku ay doonayaan oo keliya bannaanbax nabadeed.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in gurigiisa laga jaray waddooyinka muhiimka ah, isla markaana ay jiraan ciidamo la soo dhoobay agagaarka deegaankiisa, Waxa uu intaa ku daray in xildhibaanno iyo shaqsiyaad u socday laga hor istaagay inay soo gaaraan guriga uu degan yahay.

Waxa uu ku eedeeyay dowladda in ay isku dayeyso in ay xannibto isu-soo-baxyada mucaaradka, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara dhiig daata, isagoo carrabka ku adkeeyay in mucaaradku ay doonayaan kaliya inay qabsadaan bannaanbax nabadeed.

“Annaga nabadda ayaan rabnaa, dagaalna ma rabno, Waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ku muujiyaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.