Dab ayaa ka kacay markab xamuul ah oo ku sugnaa xeebaha Qatar kadib weerar loo adeegsaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn (drone), sida ay xaqiijisay dowladda Qatar.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in markabka ganacsiga oo kasoo ambabaxay Abu Dhabi lagu bartilmaameedsaday weerarka saaka xilli uu ku jiray biyaha dhuleed ee Qatar. Weerarka ayaa sababay dab kooban oo markabka ka kacay, hase yeeshee lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah.
Wasaaradda Difaaca Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dabka si degdeg ah loo xakameeyay, isla markaana markabku uu sii watay safarkiisa kuna wajahnaa dekedda Mesaieed.
“Waxaa la qaaday dhammaan tallaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa, iyadoo sidoo kale la sameeyay wada-shaqeyn buuxda oo lala yeeshay hay’adaha ay khuseyso,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Difaaca.
