Laascaanood: Qoyskii dhowaan gabadhooda la kufsaday ayaa sida fiinta uga qayliyay inaanay helin wax gargaar caafimaad iyo gurmad midna ah.
Aabaha dhalay gabadha yar ee dhibanaha ah oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Waxaan ahay aabbe xoolo-dhaqato ah. Laascaanood hawsha gabadhan yar ayaan u imi, waxaana la tacaalayay nolosha 11 kale oo carruur ah…”
Aabuhu, isagoo hadalka sii wata, ayuu yidhi: “Gabadhaydu waa ilmo yar, xanuun daran oo macaadinta ah ayay ka cabanaysaa. Ilaa hadda wax gargaar ah maanan helin. Waxaan u baahanahay cusbitaal kan ka tayo fiican iyo dhakhtar maskaxda ku takhasusay.”
Dhanka kale, aabuhu wuxuu saluug ka muujiyay hanaanka caddaaladda ee Booliska Woqooyi-bari, oo uu sheegay inay hore kiisaska noocan oo kale ah u baahin jireen sawirrada eedaysanayaasha, balse aan kan la baahin.
Warbaahinta Voss waxay sidoo kale la xidhiidhay maamulka Cusbitaalka Laascaanood, waxayna iska fogeeyeen eedeyntan, iyagoo sheegay inay gabadha yar ee dhibanaha ah siiyeen daryeel iyo daaweyn bilaash ah.
