Michael Lotem oo ah safiirka dhawaan Israa’iil u magacowday Somaliland ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu noqdo safiirkii ugu horreyay ee Israa’iil uga wakiil ah Somaliland. Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray ayuu sidaan ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn ii ah in aan helo oggolaanshaha dowladdayda, taas oo ii magacawday inaan noqdo Safiirkii ugu horreeyay ee Israa’iil u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland,”.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa safiirka ay dhawaan u magacaabeen Somaliland ku tilmaantay “tallaabo macno leh oo lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland”. Qoraal wasaaraddu ku baahisay barteeda Facebooka ayay intaasi ku dartay “Waxaan u rajeynayaa guul weyn oo uu ka gaaro doorkiisa cusub”.
