Xaaladda juquraafi-siyaasadeedka ayaa gashay waji cusub oo walaac weyn ku abuuri kara Mareykanka, ka dib markii la shaaciyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan uu u socdaalo Moosko si uu kulan gaar ah ula yeesho Madaxweyne Vladimir Putin, iyadoo la hadal hayo in Ruushku uu Iiraan ku qalabaynayo hub casri ah oo khatar badan.
Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay dalalka Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Ingiriiska, iyo Hindiya ugu baaqeen muwaadiniintooda inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan, halka Donald Trump uu dhowaan si cad u sheegay inuu rumeysan yahay in Shiinuhu uu gacan weyn siinayo Tehran.
Isbaheysigan sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Ruushka, Shiinaha, iyo Iiraan ayaa u muuqda mid caqabad weyn ku ah danaha reer galbeedka, isla markaana si weyn u bedelaya miisaanka awoodda iyo amniga ee gobolka.
