Wararka laga helayo dalka Aljeeriya ayaa muujinaya masiibo iyo xasuuq ba’an oo lagu hayo muhaajiriinta Soomaaliyeed, iyadoo kooxaha dadka tahriibiya (Magafaha) ay billaabeen falal naxdin leh oo ka baxsan bini’aadanimada.
Sida lagu ogaaday baaritaanno horudhac ah oo lagu sameeyay meydadka qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed, ma aysan u dhiman biyo-liqid ama shilal doon, balse waxaa loo geystay jirdil iyo dil bareer ah ka dib markii lacago madax-furasho ah laga qaatay.
Si loo qariyo raadadka dambiga, waxaa meydadka lagu daadiyaa badda si loogu ekaysiiyo masiibo ka dhalatay doon degtay, iyadoo xitaa la dareemay in qaar ka mid ah xubnaha jirkooda iyo ilkahaba laga bixiyay.
Sidaas darteed, waxaa looga digayaa dhalinyarada iyo waalidiinta Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan dabinada iyo hagardaamada magafayaasha dalka Aljeeriya, kuwaas oo nafta muhaajiriinta u isticmaalaya ganacsi iyo gumaad qorsheysan.
