Bar dhanka Inteernedka ah oo u xil saaran la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta caalamiga ah ayaa sheegtay in sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday ay muujinayaan in shixnado saliid ceeriin ah oo qiimahoodu gaarayo 1.05 bilyan oo doollar ay dib ugu laabanayaan Iran, kaddib markii si degdeg ah ay u qabteen Ciidanka Badda Mareykanka.
TankerTrackers ayaa qoraal ay ku daabacday barta X, ku sheegat in Ilaalada Xeebaha Mareykanka ay qabteen saliid Iran leedahay oo lagu qiyaasay 380 milyan oo doollar taasoo lagu qabtay gudaha Badweynta Hindiya, iyadoo la xusay in shixnaddaasi “u muuqatay mid loogu talagalay inay gaarto Mareykanka.”
Madasha “TankerTrackers” waa ilo ay adeegsadaan shirkadaha caymiska maraakiibta, soo saarayaasha saliidda iyo ganacsatada si ay ula socdaan shixnadaha saliidda ee adduunka oo dhan.
