Naftali Bennett, Oo la Filayo inuu Noqdo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Ee Beddelaya Netanyahu

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Naftali Bennett, ayaa la filayaa inuu noqdo ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee beddelaya Netanyahu , doorashada dhacaysa dabayaaqada sannadkan 2026.

Si la mid ah Netanyahu, waa nin midig fog ah oo ka soo horjeeda xuquuqda Falastiiniyiinta iyo nidaam Islaam ah oo awood yeesha, balse ma leh waayo aragnimada Netanyahu , mana heysto xiriir xooggan oo Mareykanka ah.

Waxaa loo arkaa qof leh siyaasad tanaasul uu ku jiro, si ka duwan Netanyahu oo jecel wax walba si adag in loo wajaho.

Dhawaan Bennett, wuxuu ku tilmaamay Turkiga inuu yahay Iiraan-ta cusub, taa oo la macno haddii uu jagada ra’iisul wasaaraha qabta , wuxuu isku dayi doonaa inuu cadaadiyo Turkiga, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay Imaaraadka Carabta oo uu noqday sannadkii 2021 , ra’iisul wasaarihii u horreeyay ee Israa’iil ka socda oo booqda Abu Dhabi.