Ganaral Sadaq Joon oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaki geliyey sida ay nabad u sii ahaan karto Madaxtooyada Soomaaliya, haddii fowdo hubeysan laga abuuro Dhuusamareeb.
Qoraalka oo ahaa mid kooban ayuu ku yiri: “Duq Xasanow, nabadda Dhuusamareeb iyo nabadda Wardhiigleey waa isku xiran yihiin, ogoow.”
Hadalkan ayaa loo arkaa mid si sarbeeb ah ugu socda Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, kaasi oo lagu eedeeyey inuu saameyn ku leeyahay hannaanka kala xulashada Madaxweynaha Galmudug ee soo socda.
Villa Soomaaliya, degmo ahaan, waxay ku taallaa Ex degmada Wardhiigleey, waxaana maalmahan si weyn loo adkeeyey amniga Madaxtooyada.

